HAYAANNEWS.NET
“Xeerkaannu Celinnay Ee Boolisku Madaxweynuhu Xil-qarsiimuu Ku Soo Daray.. Madaxweynaha La Doortay..” Xildhibaan Qabille
December 4, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hayaannews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan Guddiga Daba-galka ee Golaha Wakiillada Somaliland, kana Tirsan Mudanayaasha taageera Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sheegay in marka uu u fiirsado Farriimaha ka imanaya Madaxweynaha la doortay ee aan weli xilka la wareegin Muuse Biixi Cabdi, aanu ku arag wax uu ku margado.

Xildhibaan Qabille oo u warramay Horn Cable TV Maanta, waxa uu sheegay inay Axaddii ku guntadeen Xeerka Booliska Somaliland oo Goluhu dib ugu celiyey Madaxtooyada oo wax ka beddel iyo kaabis ku soo samaysay markii ay hore Baarlamaanku u ansixiyeen ka dib, waxa uu sheegay Xisbi Mucaarad ahaan inay si fiican ula shaqayn doonaan Madaxweynaha la doortay haddii uu saxo qaladaadka iyo dhibaatooyinka ay ka muujinayeen Xukuumadda uu xilka kala wareegayo oo ay toosin doonaan waxa ka qalloocda, wixii uu ku saxanyeyna ku taageeri doonaan.

Waxa uu Qabille intaas ku daray in Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka oo uu ka tirsan yahay Shaqadooda laban-laabeen intan lagu jiro wakhtiga kala guurka ah, aanay faraha uga bixin Hantida Qaranka waxa ka sii nool ee Hay’adaha dawliga ah ku sugani.

Xildhibaan QABILE

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews