HAYAANNEWS.NET
Xaflad Soo Dhaweyn Iyo Mahad-naqa Oo Loo Sameeyey Degmada Cusub Ee DACARTA Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyay.
July 26, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

“Hadhuubka Axmed Sh. ISAXAAQ Uu Hayo Soomaali Oodhan Ayaa Leh Ee Cidna….”Guddoomiyaha Guddida TALLO-SAME Xaaji Axmed Yaasin Xaaji Cabdilaahi ABUSITE

Dacarta(Hayaannews) Xaflad isugu jirta soo dhaweyn iyo Mahad-naq ayaa maalintii shalay oo ahayd Salaasa lagu qabtay Xarunta degmada Cusub ee DACARTA ee Gobolka Maroodi-jeex.

Munaasibadii loo sameeyey Xafladaasi oo ay ka soo qeybgaleen Wasiiru-dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Yuusuf Cismaan Garas, Agaasimaha Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Jamaal Cabdilaahi Muxumed, Guddoomiyaha Guddida TALLO-SAME Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi (ABUSITE),Cheif Caaqil Maxamed Aw Csmaan, Caaqil Axmed Ibraahim Bookh, Caaqil Cabdi Cumar, prof. Mustafe Maxamuud Cabdilaahi,Waxgarad, Aqoonyahan, Ganacsato, Siyaasiyiin, Culimaa’udiin iyo Marti-sharaf kale oo tiro baddan.

Sheekh Cabdilaahi Ibraahim Yuusuf, Ganacsade Maxamed Indho-case, Ganacsade Axmed Aw Xuseen Furre iyo xubno kale oo isugu jiray Ganacsato iyo Waxgarad, oo xafladaasika hadlay ayaa waxay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uga mahad-celiyeen magacaabista degmada cusub ee Dacarta, isla markaana waxay si isku mida carabka ugu dhufteen inay degmadu u baahan tahay in laga sameeyo adeegyadii horumarinta bulshada oo ay xukuumaddu qeybteeda ka qaadato.

Caaqil Cabdi Cumar oo ka mida Cuqaasha reer Somaliland ee Gobolka Maroodijeex ayaa uga mahad-celiyay Madaxweyne-Siilaanyo Magacaabista Degmadan Cusub ee Dacarta,waxaanu yidhi “Degmada Dacartu waa degmo la wada leeyahay, maaha degmo cid gaar ah la siiyey waa degmo magac iyo manfac-ba ay wada leeyihiin Bulshada degeni”

“Ogaado Hadhuubka Axmed Sheekh ISAXAAQ(Toll-jecle) uu hayo Soomaali oodhan ayaa wada leh, kolba nin ayaa kula kabanayaa nina ha u diidina nina ha ka xigsanina, waa hadhuub la idin-la leeyahay ….”Guddoomiyaha Guddida TALLO-SAME Xaaji Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi (ABUSITE)

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland Jamaal Cabdilaahi Muxumed ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Magacaabista degmadan cusub ee Dacarta, isaga oo tilmaamay in shacbiga ka soo jeeda Degmadani wax-qabad iyo xuquuq ka baddan degmo dawladda ka sugayaan, waxaanu intaasi ku daray inay tahay degmo taariikh fac-weyn leh, oo wakhti baddana la sugayey Degmonimadeeda.

Wasiir-u-dawlahada Macdanta iyo Tamarta Yuusuf Cismaan Garas oo oo halkasi ka hadlay ayaa soo soo dhaweeyey magacaabista degmadan cusub ee DACARTA, isaga oo uga mahad-celiyay  madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlaya Af-ka beelaha wada degen degmadan cusub (DACARTA) ee aan Wasiirka u ahay, madaxweynaha iyo xukuumadda-ba waan uga mahad-celinayaa, inay degmadan magacaabaan. Madaxweynuhu degmadan iskamuu magacaabine wuxuu gudanayey waajib Dastuuri ah oo uu leeyahay, waxaanu uu fuliyey soo-jeedintii ay sameeyeen hay’adaha u igman qiimeynta degmooyinka”.

Wasiir Garas, ayaa ugu baaqay dadweynaha dega degmadan cusub ee Dacarta inay ka shaqeeyaan horumarinteeda iyo kobcinta wax soo saarteeda si ay ula jaan-qaado degmooyinka kale, isla markaana isu-bixiso dalkana wax ku soo kordhiso

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu degmadan cusub ee DACARTA magacaabay 20-kii Jully 2017-ka, waxaanay hoos iman doontaa Gobolka Maroodijeex

HALKAN HOOSE KA DAAWO XAFLADII OO DHAMEYSTIRAN

 

11

222

4444

ABUSITEEE

55555

77777

88888

Mustafe-janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayannews@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews