HAYAANNEWS.NET
Xaflad Loo Sameeyey furitaanka Sanad Dugsiyeedka 2017-2018 Ee Dugsiyada Hoose Dhexe Ee Al-IRSHAAD Iyo Khudbadihii Laga Jeediyay
August 10, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa (Hayaannews)-Xafladd heer sarre ah loo soo agaasimay oo lagu furayey sanad-dugsiyeedka cusub ee 2017-2018 ee dugsiyada Hoose-dhexe ( Wiilasha iyo Gabdhaha ) – Al-irshaad – abbaal-marinona lagu gudoon siiyey 310 Arday oo ka qalinjabiyey Iskuuladdan sanad dugsiyeedka 2016-2017 ayaa lagu qabtay Hotel-ka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibada qalinjabinta ayaa waxa ka soo qeyb-galay Maamulka, macalimiinta iyo Ardayda Dugsiyadda AL-IRSHAAD oo ay ku wehelinayeen, waalidiin, wasiiro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badnayd.

Marti sharafta xafladda joogtay, waxaa kale oo ka dhex muuqday, Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye.

IMG_5935-1024x683

Ugu horeyn, Maamulaha guud ee Dugsiyada Al-irshaad Maxamed Aadan Askar oo hallkaa ka hadlay waxa uu si kooban uga warbixiyey taariikhdii hore ee ay soo mareen madaarista Al-irshaad waxaanu tilmaamay dadaalbadan iyo shaqo adagg ka dib inay ka maamul ahaan u suurto gashay inay qaybta wiilasha ee Schoolkaasi oo markiihore ku jiray guryo kiro ah inay u heleen dhul uu Schoolku leeyahay oo dhawaana ay u dhiseen sifiicanna u qalabeeyeen dhismihiisa .

“waxaad la socotaan inaanu gacanta ku hayno Schoolo dhawra waxaana dhawaan noo suurto gashay qaybtii wiilasha oo aanu kiro ugu jiray inaanu u iibinay dhul uu Schoolku leeyahay si fiicanna aanu dhismahaasi u qalabaynay” ayuu yidhi Maamulaha guud ee Al-irshaad Maxamed Aadan Askar.

Mr Askar waxakale oo uu sheegay inuu maamulkiisa Al-iirshaad qayb ka yahay sidookale maamulka xarunta Agoomaha ee Gebiley oo ay iska kaashadaan hay’adda mucaawinada tooska ah “Direct Aid” taasoo dhismaheeda la dhameeyey sanadihii la soo dhaafay si quruxbadanna loo dhisay waxaanu xusay inay ka maamul ahaan qorshaynayaan inay maalinta khamiista soo socota xaflad ballaadhan xadhiga kaga jaridoonaan xaruntaasi haddii eebe ogolaado.

IMG_6054-1024x683

Dhanka kalana waxa uu sheegay xarunta ay Agoomuhu wax ku bartaan inay xawaaraheeda qayb kayihiin waalidiinta maanta xafladdan ka soo qaybgalay isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “dadaalka ay xaruntaasi ku socoto waxaa faradweyn noo ah inay inay qayb ka yihiin waalidiinta halkan maanta inala fadhiya oo aan aad ugu mahad celinayo iyo wasaaradda waxbarashada oo ah aabaha iyo hooyada arrihaman aanu wadno” ayuu yidhi Mr Askar.

Sayid Sheekh Ibraahim, Maamulaha qaybta gabdhaha oo hadal ka jeediyey munaasibada ayaa Waxaa weedhihiisii kamid ahaa “maanta munaasibaddani waa munaasibad aanu ku abaalmarinayno 310 arday oo ka kala yimid faraca 1-aad iyo faraca 2-aad”IMG_6422-1024x683 (1)

Isaga oo hadalkiisa sii wata Mr Sayid waxa uu sheegay inay ardaydaasi yihiin xulkii iyo labeentii laga soo dheegtay imtixaanadii guud ee laga qaaday qaybaha kaladuwan ee Al-irshaad – “ ardaydani lama wadaagaan ardaydii kale balse waa kuwo ka soo dhex baxay 3333 Arday oo ahaa kuwii galay kaalmaha 1-aad 2-aad iyo 3-aad, fasalladii ay dhiganayeen iyadoo ay weheliyaan ardaydii hormuudka u ahayd dhinaca akhlaaqda fasalladaasi ”

IMG_5923-1024x683 IMG_5993-1024x683

Wasiiru Dawlaha arrimaha amaanka Maxamed Muuse Diiriye oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa ku nuux-nuuxsaday siday waajibka u tahay in wax la baro ubaxa yaryar ee soo koraya, waxaana hadaladiisii kamid ahaa: “waxaan filayaa inay taha waajib inna saaran inaan waxbarro ubaxeenaa yaryar oo ah kuwii berrito ina bedeli lahaa ee la wareegi lahaa aayaha dalka iyo dadka”.

IMG_5909-1024x683

“halkaa waxaa aad aragtaan ee soo wada fadhiyaa waa dumarkaliya raggiina inta ka fadhida waad aragtaan inay raggii meesha ka maqan yihiin taasina waxay tilmaamaysaa Xadiis kii Nabawiga aahee aad wada garanaysaan” ayuu yidhi wasiiru dawle Maxamed Muuse Diiriye.

IMG_5947-1024x683
Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo madashaasi ka hadlay waxa uu maamulka iyo macalimiinta soo saara boqolaalkaasi arday ee Al-irshaad ku ammaanay kaalinta ay kaga jiraan horumarka waxbarashada dalka iyo kobcinta maskaxda da’yarta soo koraysa ee barbaarinta u baahan.

Waxaa isna sidookale xafladdaasi ka hadlay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo kamida mida xildhibaanada Golaha Guurtida, waxaanu tibaaxay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay binu aadamka gaar ahaan marka ay heerka koriinka ku jiraan.

IMG_6041-1024x683

Madaxa dugsiyada gaarka loo leeyahay, Muuse Maxamed Shide oo isna madasha ka hadlay, ayaa waxa uu ka sheekeeyey qiimaha uu cilmigu leeyahay iyo sida uu jahligu dadkiisa dib ugu reebo waxaanu hambalyeeyey waalidka gaar ahaan dumarka dedaalka ay raga dheeryihiin ee ay caruuraha ku xanaaneeyaan. “xayawaanaadka kan hadla iyo kan aad hadlin arkimaysid Libaax nin ah oo caruurtiisa wata,arkimaysid Orgi waxaraha wada,arkimaysid,wan baraarkii wada arkimaysid hooyo uunbaa intaa wadda carruurta”.

IMG_5944-1024x683

Wasiirka dhaqanka iyo dalxiisa Khadar Xaaji Yuusuf oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inuu aad ugu warhayo maamulka iyo Dugsiyadda Al-irshaad isla markaan uu tacabbadan iyo dedaalba galiyey sidii ay Iskuuladani u gaadhi lahaayeen halkan ay maanta Joogaan: “ma wanaagsana inuu ilmuhu macalinka maamulo waxaanad arkaysaa waalid sanad gudihiisa intaas oo School isku maraya oo ilmuhu jiidayo”.

Gudoomiyaha guddida waalidiinta Al-irshaad Sheekh Cali Aadan Samatar oo afka waalidiinta ku hadlayay ayaa mahad ballaadhan u jeediyey dhamaan waalidiinta madasha soo camiray iyo ardayda iyo maamulkoodaba “hablahaa aadka u quruxda badan ee hooyooyinka ah ee halkaa fadhiya ayaan u mahad celinayaa waayo haddaanay hooyooyinkaasi joogin caruuruhu maanay wax barteen raggana waxaan leeyahay ilaahay sida xaasaskiina oo kale haydinka dhigo ardaydana waxaan leeyahay waalidkiina ixtiraama oo waliba hooyooyinka si gaara u ixtiraama” ayuu yidhi Sh Cali Samatar.

Gebogabadii waxa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay ardeydii kaal-maha hore ku guuleysatay

IMG_6422-1024x683

IMG_5909-1024x683 IMG_5923-1024x683 IMG_5935-1024x683 IMG_5937-1024x683 IMG_5944-1024x683 IMG_5947-1024x683 IMG_5993-1024x683 IMG_6028-1024x683 IMG_6041-1024x683 IMG_6054-1024x683 IMG_6065-1024x683 IMG_6069-1024x683 IMG_6077-1024x683 IMG_6080 IMG_6121-1024x683 IMG_6152-1024x683 IMG_6422-1024x683 (1) IMG_6431 IMG_6459-1024x683 IMG_6498-1024x683

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews