HAYAANNEWS.NET
U-jeeddada Socdaalka Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Daahir Rayaale Iyo Soo Dhaweyntii Lagu Qaabilay Madaarka Hargeysa.
December 6, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo xaaskiisa Marwo Huda Barkhad ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Madaarka Caalamiga ah Egal International ee Magaalada Hargeysa, kadib markii ay ka soo kicitimeen dalka Faransiiska oo degen yihiin.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ka danbeeyey, kadib markii lagu soo marti-qaaday Caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Somalilad Md. Muuse Biixi Cabdi oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka bishan 2017-ka.

“Saaka waxa halkan farxad-weyn noo ah, in masuuliyiintayadan kala duwani qolka nasashada ee madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport aannu ku soo dhaweyno Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo marwadiisa Huda Barkhad Aadan.Madaxweyne Daahir Rayaale waxaannu ku soo marti-qaadnay xaflada caleemo-saarka iyo xil-wareejinta Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha la doortay Md Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, inuu nagala soo qayb-galo, waayo waa Madaxweynihii ku suntanaa geedi-socodka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah.” Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Waxay Muujinaysaa Sawir qaran “Waxay ay muujinaysaa sawir qarankan oo sumcad ugu suntan oo ah laba Madaxweyne oo xilkii ka degay iyo kii sadexaad oo la wareegaya oo madashaa fadhiyi doona, muuqaal weyn ayey qarankan ka muujinaysaa oo dunida kale maanta nasiibkaa aanay haysan, wixii hadal ah ee uu odhan doono, waxa madaxda kale odhan doonto iyo munaasibadaa muuqaalkeeda maalintaas ayeynu ka war sugaynaa.”Ayuu yidhi.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale ayaa waxa uu yidhi  “Salaan weyn ayaa halkan shacabka ugu gudbinayaa, waxaanan u imi in aan ka qayb-galo hadduu Alle yidhaahdo xaflada madaxweynihii aniga i bedelay iyo madaxweynihii ka dambeeyey ay xilka kula kala wareegayaan, taas oo laygu marti qaaday.”

Xukuumaddii hore ee Xilkeedu dhammaaday ayaa diyaarinaysa xil-wareejinta Caleemo-Saarka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, kadib markii loo doortay Madaxweynaha 5aad ee Somaliland doorashadii dalka ka qabsoontay 13-kii November 2017-ka

qqq

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews