HAYAANNEWS.NET
Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Laga Hirgeliyay Warshada Caanaha Ee LIS Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyay  
August 10, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hayaannews):  Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu daah-furey Warshada cusub ee Caanaha ee LIS Dairies.

Shirkadda LIS Dairies waxay ka mid tahay shirkadaha ku jira dallada GSK group, waana shirkaddii ugu horeysay ee sameysay caano warshadeysan oo laga soo saaro Somaliland.

Caanaha LIS ayaa waxay ka kooban yihiin afar nooc oo kala ah Caano Saafi ah, Caano Strawberry, Caano Muuse, iyo Caano Shakoole, waana caano tayadoodu sareyso oo loo raacay heerka caalamku isticmaalo.

Munaasibadii loo sameeyey oo manta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Wershadaha Iyo Ganacsiga Somaliland, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Ganacsato, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Ergayga gaarka ah Somaliland u qaabilsan Wada-hadalada Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Maamulaha guud ee Shirkadda SBI Mustafe Osmaan Geelle iyo shaqaalaha Shirkaddaasi iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

Madaxa suuqgaynta Shirkadda Sharaabka ee SBI Maxamed Naasir ayaa ka hadlay tayada Caanaha Lis iyo faytamiinada ku jira, waxaanu yidhi  “LIS Dairies waxay ka mid tahay shirkaddaha ku jira dallada GSK Group, waxaanan ku faraxsanahay furitaanka Caanaha LIS waana shirkadii ugu horaysay ee samaysay caano warshadaysan oo laga soo saaray Somaliland. Waxaan caddaynayaa in Caanaha LIS tayadoodu sarayso oo loo raacay heerka caalamku isticmaalo”

“Caanaha ay shirkadu soo saarto waxay ka kooban yihiin afar nooc oo aad u macaan cabitaankooduna yahay 200 ML, taas ayaynu maanta halkan ku daah-furaynaa waxaanay kala yihiin,Caano Saafi ah,Caano Strawberry,Caano Muus iyo Caano shakoole,caanaha. Caanaha LIS waxa ku jira faytamiinadda A&D waxayna ka kooban yihiin macdano dhameystiran,noocyaddan kala geddisan ee dhadhankoodu heerka sare yahay waxa loogu tallo-galay inay macaamiishu hore ka qaadato”.Ayuu yidhi  Maxamed Naasir.

Maamulaha Shirkadda SBI Mustafe Osmaan Geelle oo ay wejigiisa ka muuqatay farxad ayaa ka waramay marxaladihii kala duduwana ee ay  soo mareen Shirkaddaha ay ka sameeyeen Somaliland, waxaanu yidhi “Markasta waxaanu heegan ugu jirnaa inaanu bulshadda u soo saarno wax qanciya oo ah hamigayaga ugu weyn,waxaad la socoteen inaanu soo saarnay sharaab(SBI),waxaa ku xigay Biyo(DASANI) maantana caano tayo wanaagsan leh (LIS) ayaanu soo saaraynaa, kaas oo weliba waddankaaga laguugu sameeyay.”

Ergeyga gaarka ah ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan ismaaciil ayaa ugu baaqday bulshada Somaliland inay iibsadaan Caana LIS ee dalka lagu sameeyo, kuwaas oo ku tilmaantay inay tayadoodu sareyso “Caanahan LIS markaan eegay waxay ka mid yihiin caanaha ugu wanaagsan, waxaan eegay tayadooda iyo faytamiinka ay ka sameysan yihiin waxaana halkaas ka muuqata in shirkadu dhankasta ka dadaashay oo ay waliba ku dhiiratay inay bulshadoodu u soo saran caano tayo leh iyo waliba adeeg wanaagsan.”

Wasiirada Ganacsiga iyo Wershahada Somaliland, Wasiir Kuxigeenka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay soo dhaweeyeen daah-furka Caanaha LIS, isla markaana waxay shacabka ugu baaqeen inay iibsadaan caanaha oo weliba la tixgeliyo Wax soo Saarka dalka.

Warshada LIS Dairies waxay ku taala Jaleelo waxay Hargeysa u jirtaa 35 KM dhanka Waqooyi bari.Qalabka Warshadayntu waa mid dhameystiran iyada oo la deegsanayo tignoolajiyadii ugu danbeysay ee Tetra Pak. Shaqaalaha Shirkadu waa kuwo khibrad dheeraad ah leh.

GSK Group, waxay la shaqeeyaan Shirkadaha aduunka ugu caansan dhanka Maraakiibta iyo Xamuulka Sidoo Kale dhanka Sharaabka noocyadiisa kala duwan, shirkadaha wada-shaqeyntu ka dhaxayso wax aka mid ah: Maersk Lines, The Coca-Cola Company, Inchcape Shipping Service, DHL iyo DSTV

Caanaha LIS

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Email:Hayannews@gmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews