“Somaliland Ma Waxay Raacday Geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal?…. ” Xoghayaha Guud Ee Xisbiga ANC Gwade Mantashe
December 16, 2016 - Written by Mustafe Jannaale
South Africa(Hayaannews): Wakiil Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland ee Koonfur Afrika Ambassador Axmed Jaamac Xasan Shire (Gaaweeto) ayaa ugu bushaareeyey ganacsatada Somaliland inay si fudud u heli karaan fiisaha dalka Koonfur Afrika oo ay ka soo alaabeysan karaan, isla markaana waxa uu ka waramay kulan uu la yeeshay Xoghayaha guud ee xisbiga guud ANC Gwade Mantashe.
Tan iyo Markii Wasiirki hore ee Ganacsigu uu u magaacabay Ambassador Ahmed Jaamac Xasan Shirre (Gaaweeto) Wakiilka ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland ee South Africa waxa soo If-baxaya in dib loo soo celiyay xidhiidhkii Somaliland la ahayd South Africa oo meesha ka maqnaa Muddo dhan 7-sanadood ahayd. .
Ambassador Ahmed Jaamac ayaa si buuxda shaqada uga bilaabay Waddankas bishii 10aad ee sanadkan dhamanaya isagoo xilka loo magacabaya Ahmed jamaac Xasan Shire (Gaaweeto) ayaa ah Khabiir aad ula socda dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo midka ganacsi ee Waddamada la isku yidhahdo SADC
Muddadan kooban ayaa waxa u qabsoomay in si buuxda xafiiska Ganacsiga Somaliland laga diwaan-galiyo Wasaaradaha arrimaha Dibaada,Ganacsiga iyo Warshadahaa ee South Africa,waxa kale oo Ahmed jamaac kulamo kala duwaan la yeeshay qeybaha kala duwan ee Dawladan Koonfur Africa iyo Xisbiga ugu da’da weyn Qaraada Africa ee ANC Party. Institute For security Study, Banka ugu weyn bariga Africa Ee Equity Bank sidoo kale Afro Middle East Center.
Xoghayaha guud ee xisbiga Guud ANC Gwade Mantashe ayaa yidhi “Somaliland ma waxay raacday geeridi Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Egal,waayo diba looma arag cid Somaliland hadal haysa, aad ayaan u soo dhawaynayna Xafiiskan Cusub (Xafiiska Ganacsiga Somaliland ee Koonfur Afrika) ee Somaliland.”
Equity Bank Group CEO Dr James mwange ayaa Ambassador Ahmed jaamac uu sheegay in sanadka soo socda ay ka furan doonaan Somaliland qeyb ka mid ah Equity Bank Group. waxa kale oo iyaduna safar ku iman-doonta sanadka cusub (2017) Somaliland, Safiirka South Africa u fadhiyi doonta Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Miss Thenjiwe Mtiniso.
Isku soo wada duubo muddadi labada bilood ahayd ee shaqada aanu ku guda jiraney waxa baddan ayaa u qabsoomay Qarankeena Somaliland,Taas oo ay kow ka tahay in Ganacsatada Somaliland ay helayaan Visaha South Africa kana soo alaabeysan karaan sii fudud”Ayuu yidhi Axmed Jaamac.

Bidix Wakiilka Wasaarada Ganacsiga Somaliland ee Koonfur Afrika Ahmed Jaamac Xasan Shire(Gaaweeto) iyo Xoghayaha Guud Ee Xisbiga ANC Gwade Mantashe
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Email:Hayannews@gmail.com