HAYAANNEWS.NET
SOMALILAND iyo Imaaraadka Oo Kala Saxeexday Hirgelinta Mashaariic Ku Lammaanaa Heshiisyadii Saldhigga Iyo Dekedda Berbera
July 3, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Dubai(Hayaannews ):-Madaxweynaha Somaliland  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xubno Xukuumaddiisa ka tirsan oo Wasiirro ahi ku sugan yihiin dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxay dawlada imaaraadka shalay magaalada Dubai ku kala saxeexdeen Heshiiska Mashaariic horumarineed oo qayb ka ahaa heshiiskii Dekedda Berbera lagu wareejiyey muddada 30-ka sano ah ee Somaliland iyo Shirkadda DP World dhex-maray sannadkii hore.

Mashaariicda ay kala saxeexdeen Maanta Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu, waxaa ka mid ah Dhismaha Waddada Berbera iyo Wajaale isku xidhi doonta, dhismaha Madaar cusub oo Imaaraadku ka hirgeliyo Berbera oo isaguna qayb ka ahaa Heshiiskii Saldhigga Millateri Madaarka Berbera iyo Dhul-Xeebeedka ku beegan ee dhinaca Badda Somaliland ku siisay Dawladdaas.

Heshiiskaas waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku Saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo naga soo gaadhay shalay Galabta Xafiiska Warbaahinta u qaabbilsan Madaxtooyada, waxaanu Nuqul ka mid ah oo Hayaannews helay u dhignaa sidatan:-

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta oo kale saxeexday heshiiska taariikhi ah oo lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay  Somaliland ka fullindoonto dawladda Imaaraadka carabtu qaybo ka mida Somaliland.

Mashaariicdaasi oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku  xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

Heshiiskan ayaa noqon doona mid  wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale  ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah eek a dhexeeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur.

Waxaana heshiiskan Somaliland u saxeexay Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dhamaan Wasiirradii hawlaha shaqo u joogay maalmahan halkaas.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkaas Warbaahinta Aftahannews soo gaadhay ee Madaxtooyada Somaliland ka soo baxay.

qqq

Qabo

EUA

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews