HAYAANNEWS.NET
Qoyska Reer Cali-Gurey Oo Baaq U Direy Madaxweynaha JABUUTI.
May 21, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Jabuuti(Hayaannews):Qoyska ilma Cali-Gurey ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle inuu si deg-dega wax uga qabto hantidii dhaxalka ahayd ee aanu lahayn oo na  lagu haysto.

Sidaa waxay ku sheegeen qoraal ay si wada-jira u soo saareen qoyska reer Cali-Gurey, waxaanu u dhignaa sidan:

“Annaga oo ah Qoyska Ilma Cali-Gurey waxaan cabasho ka muujinaynaa Kaalin Shidaal oo aan ku lahayn Xaafadda Gaashaamaale oo ka tirsan Xaafadda Toddobaad ee Jabuuti (Q7) oo ka mid ahayd hantidii aanu ka dhaxalnay aabay Alle ha u naxariiste Cali Amakak Cakaal (Cali-Gurey) oo si weyn looga wada yaqaano Jabuuti. Kaalintan Shidaalka oo uu Alle ha u naxariiste uu aabahay iibsaday sannadkii 1974-kii ayaa waxay ahayd mid kiroole ah, xili waxay u kireysnayd Shirkadda Shidaalka SHELL, marna waxay u kireysnayd Shirkadda OIL-LIBIA, iyada oo marxalada kirada ah ay ku jirto Kaalintayada Shidaalku ayaa Alle ha u naxariiste Aabahayo Marxuum Cali-GUREY Geeriyooday sannadii November 1989-kii.

Iyada oo sidaas tahay ayaa dhibaatada imika taagan waxay tahay in aanu ku war-helnay in Shirkadii OIL LIBIA ay si amar la’aan ah Heshiiskii aanu kula jiray ay ku wareejiysay Shirkadda NOC, ayaa waxa aanu maqalnay in warqadii Ganacsiga ee Afka qalaad lagu yidhaahdo (Fond de Commercial) inaan lahayn reer Cali-Gurey, ahaan oo ay ku andacoonayaan in laga iibiyay, cid ka iibisayna ilaa imika aanan garanaynin,iyada oo sida la og yahay  aanu sharcigu u ogolaan karin hantida dhaxalka ha cidi iibin karin iyada oo aanay si wadajira u joogi qoyskii.

Sidaa daradeed, waxaanu u soo jeedinaynaa Xukuumadda sharafta leh ee uu hogaaminayo Madaxweyne Md. Ismaaciil Cumar Geelle inay arrintayadan si degdega u soo dhexgalaan. Madaxweynaha waxaanu ILAAHAY uga baryaynaa inuu cimrigiisa dheereeyo cisi iyo sharaf-na aad ku noolaato.”

Ismaaciil Cumar Gellee

Hayaannews, Office

Email:Hayannews, Office

 

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews