HAYAANNEWS.NET
Musharrax Jacfar oo ka Warbixiyey Sida Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixintu Buuhoodle uga bilaabantay, Komishanka-na Dhalliilay
July 8, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Buuhoodle(Hayaannews):- Musharraxa Golaha Wakiillada ee degmada Buuhoodle Jacfar Abbokor, ayaa mar uu Warbaahinta kala duwan la hadlay isaga oo ku sugan Buuhoodle, waxa uu ka warramay sida ay degmadiisa qaadashada Kaadhadhka Codbixinta doorashadu uga bilaabantay Sabtidii Saaka oo ay guud ahaan gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex si rasmi ah uga bilaabantay qaadashada Kaadhadhku.

“Degmooyinka gobolka Buuhodle hoos yimaada ayay xarun u tahay degmadani waxaana ay qayb ka ahayd qaadashada kaadhka codaynta oo saaka ka bilaabmay gobolada maroodijeex iyo gobolka togdheer, kuwaas oo aanu qayb ka ahayn, waxaana wax ilaahay loogu xamdi naqo ah, haddii ay degmadayada saaka 6;00 subaxnimo ka bilaabatay isla markaana aanu soo xidhnay 6;00 makhribnimo. anaga oo haysana mudo 5 cisho ah oo ay maanta ugu horrayso marka laga reebo labada maalmood ee safarka ah.” Sidaa ayuu yidhi Jacfar Abbokor.

Musharraxa ayaa faahfaahiyey degmada buhodle iyo goobaha diiwaangelinta ee hore iyo kaadh qaadashaduba ay rug u ahayd magaalada carroweyn oo ay fadhiisin ciidan ku leeyihiin ciidamada qaranka somaliland, sidaa awgeedna ay degmadu fadhiisin ku lahayd maamulka khaatumo, taas awgeedna anaga oo u diidan in habsami u socodka qaabeed ee loo marayo doorashada, sidoo kale aanu tixgelinayno awaamiirta commitionka doorashooyinka waxaanu door bidnay inaanu magaalada carroweyn oo ah magaalo amnigeedu sugan yahay aanu u soo daadgurayno diiwaangelintii dadkayagii, taasoo si amni ah noogu soo gebagebawday”

Musharax Jacfar, ayaa intaa raaciyey; “Waxa la galay xilli jiilaal ka dibna ay dadkii deegaanku naq raaceen inkasta oo aanay si aad ah u fogayn, waxaannuse cabasho xooggan ka tirsanaynaa Guddiga doorashooyinka Somaliland oo diiwaangeiintii hore-na aan wax kharash ah, hawlgal ah, iyo wacyigelin midna soo raacin diiwaangelinta, Annaguna aanu jeebkayaga ka debberay in uu maantana baabuurkii wacyigelintu wax wakhti ahba siin shacabka ee uu isla markiiba iska gudbay,taasina sababtay inaanu gaadiid kiro ah ku xidhano michriphono isla markaana ku wacyi gelino shacabka, arrintaas oo nagu ah markii 2 aad, taasina ay muujinayso inay tahay mid ula kac ah oo qayb ka ah inaanaan muujin codkayaga doorashada aanu u nahay muwaadiniinta xaqa u leh, kuna dooranayaan shacabku musharaxooda, iyo xisbiga ay doorka moodaan”.

Musharruxu waxa uu carrabka ku adkeeyey in ay degmada buhodle la mid tahay labada degmo ee Widhwidh iyo Qorulugod sida ay uga hawlgelayaan Xubnaha Guddiga doorashooyinka iyo wacyigelintu iyo sidoo kale kharashka hawlgal ee loo qoondeeyey degmooyinka, kaas oo uu sheegay inaan marna la tusin. “Annaga haddii naloogu talogalayna aan nala soo gaadhsiinn, waxaanuna u aragnaa cadaadis gaar nagu ah, waanu ogolahay haddii uu deegaankayaga wax dhib marna lagala kulmay ama laga soo sheegay.” Sidaa ayuu yidhi.

Waxaanu intaas ku sii daray Musharrax Jacfar oo uu yidhi; “Hase-ahaatee, maaha mid aanu xaq u leenahay inaanu waajibaadkii xaqa naloogu lahaana si habsami oo ka go’an mujtamacayaga aanu u gudano, wixii aanu shacabka reer soomaaliland ula sinayn ee xaqa u lahayn xukuumada iyo commitionkeeda nala siin waayo qoondadayadii aanu lahayn ee hawl fududaynta ahayd, waana mid si gaar naloogu maamulayo, waxaanuna uga faa’iideysanayaa cid kasta oo arrintani saamayn ku leedahay inay naga soo siiso jawaab nagu filan  oo degdeg ah oo aanu ku mutaysanay, si kasta oo anaga arki waa naloogu sameeyana xaqayga codayneed maaha mid aannu ku baajinayno inaanu si xor iyo xalaal ah ugu doorano musharaxayagii iyo xisbiga aanu

Jacfar Abokor Sulub

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews