HAYAANNEWS.NET
“Mucaaridka Loogama Fadhiyin inay Umadda Ku Jaha-wareeriyaan Arrimo Aan Waajib iyo Xil-Toona Ka Saarnayn” Aqoonyahan Fu’aad Axmed
January 11, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hayaannews): Aqoonyahan Fu’aad Axmed Xuseen ayaa ugu baaqay Xisbiyada Mucaaridka Somaliland WADDANI iyo UCID inay garaan dantooda iyo masiirkoodu inuu ku xidhan yahay inay doorashada madaxtooyada Somaliland wakhtigeeda ku qabsoonto.

Sidaa waxa uu Fu’aad Axmed Xuseen ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay oo uu caawa nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Xafiiska Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Waxa ammaan iyo sharash mudan Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo todobaadkan horaantiisii kulan la yeeshey 3dexda Xisbi Qaran ee Dalka, halkaasna ku siiyey warbixin la xidhiidha gebogebada iyo dhameystirka hawlaha doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha, iyagoo caddeeyey in ay doorashadu qobsoomi doonto wakhtigii loo cayimay 28/03/2017 maadaama aanay jirin dhinacooga wax qabyo ah iyo wax iska bedeley toona, taas oo ahayd nuxurka kulanka. Sidoo kale waxa ay si guud mar ah uga war-bixiyeen natiijada daraasad ay ku sameeyeen xaalada abaarta baahsan ee dalka ka jirta wakhtigan xaadirka ah.

Balse waxa xusid mudan oo fajaciso iyo la yaab ku noqotay Bulshada Somaliland qaylo-dhaanta iyo dhawaaqa sida fiinta uga soo yeedhey Xisbiyada Mucaaradka oo la filayey in ay soo dhoweeyaan oo ku boogaadiyaan Guddida Dorashooyinka Qaranka wax qabadkooda iyo dedaalka dhameystirka hawlaha doorashada balse aan looga fadhiyin in ay ku baaqaan oo bulshada ku jaha-wareeriyaan arimo siyaasadeed oo aan looga fadhiyin oo xil iyo waajib ka saaran aanu jirin, sida in doorashada dib loo dhigo abaarta baahsan ee dalka ka jirta awgeed. Taas oo ka hor imanaysa qodobada Dastuurka Qaranka ee hoos ku xusan oo kala ah :

  1. Qodobka 83aad ee Dastuurka Qaranka ee “HABKA DOORASHADA”, Farqadiisa 5aad oo odhanaysa : << Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto >>

 iyo

  1. Qodobka 18aad ee Dastuurka Qaranka ee DEEGAANKA IYO WAX-KA-QABASHADA AAFOOYINKA, Farqadiisa 2aad oo oddhanaysa : << Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul garurka iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal >>.

Hadaba iyadoo aynu wada ogsoonahay in wakhtigan xaadirka ah dalka aanay ka jirin duruufo nabadgelyada darteed oo doorashada dib loogu dhigo sida uu qeexayo qodobka 83aad farqadiisa 5aad ee dastuurka qaranka ee kor ku xusan iyo arrinta aafada abaarta baahsan ee dalka ka jirta wakhtigan xaadirka ah oo aan haba yaraatee saamayn ah ku lahayn dib u dhiga doorashada sida ku cad qodobka 18aad farqadiisa 2aad ee dastuurka qaranka ee kor ku xusan oo qeexaya habka loo maamulayo arrimaha aafooyinka dabiiciga ah ee abaaruhu ka midka yihiin ee dalka ka dhaca iyo cidda u’xilsaaran masuuliyadeeda.

Sidaas daraadeed Waxa aan u soo jeedinayaa xisbiyada mucaadka in ay umada ka daayaan khalkhalka iyo jaha-wareerka siyaasadeed oo u’diyaar garoobaan doorashada dalka ka dhici doonta wakhtigii loo cayimay oo ah 28/03/2017. Bulshadana waxaan kula talinayaa in ay dhegaha ka furaystaan war-xumo tashiilka iyo danaysiga siyaasadeed ee xisbiyada mucaaradka oo gartaan in dantooda iyo masiirkoodu ku xidhan yahay doorashada oo wakhtigeeda ku qabsoonta insha allahu.”

fuaad-axmed-xuseen-qqqqqqqqqqqqqq

Aqoonyahan Fu’aad Axmed Xuseen

Hayaannews, Office

Email:Hayannews@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews