HAYAANNEWS.NET
Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Ansixisay Natiijadii Ku Meel-gaadhka Ahayd Ee Komiishanka Doorashooyinka
November 30, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hayaannews)-Maxkamadda sare oo shalay qaraar soo saartay ayaa sheegtay in natiijada doorashadaasi ay ansax tahay, isla markanaa aanay jirin wax cabasho ah oo xisbiyada mucaaradka ah ka timid. Maxkamadda ayaa ansixisay in Muuse Biixi Cabdi oo xisbhigiisa Kulmiye helay codadka ugu badan uu noqday madaxweynaha Somaliland ee shanta sanadood ee soo socda, halka madaxweyne ku xigeena  uu ku guulaystay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil.

Waxaana qaraarkan isaga oo ku dhawaaaya guddoomiyaha maxkamada sare ee JSL Aadan Xaaji Cali Axmed uu yidhi”Markay maxkamadu aragtay tirooyinka codadka guud ahaan iyo gobal ahaanba ee doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 13-11-2017-ka ee saddexda xisbi qaran oo kala ah xisbiga Ucid oo helay 23141 cod una dhiganta 4.17%, xisbiga Kulmiye oo helay 35909 cod una dhiganta 55.1% iyo xisbiga Waddani oo helay 22692 cod ina dhiganta 40.73%, markay u cadaatay in aanay jirin wax cabsho ah oo natiijada kumeelgaadhka ah ee ay ku dhawaaqeen gudida komishanka qaranku iyo guud ahaan hanaanka ay doorashadu u qabsoontay oo ay maxkamada u soo gudbiyeen xisbiyadu mudada sharcigu uu dhigaayo oo ah todoba maalmood gudahood  kana bilaabata maalintii natiijada kumeelgaadhka ah lagu dhawaaqay sida ku xusan qodobka 66 faqrada koowaad ee xeer lanbar 20/2001, markay hubisay xisaab ahaan iyo sharci ahaanba dhamaan qoraalada raad raaca ah ee xafiiska gudida doorashooyinka qaranka iyo natiijada kumeelgaadhka ah ee ay ku dhawaaqeen 21/11/2017-ka.”

Guddoomiyaha oo ka hadlaayay go’aamada ay soo saareen waxa uu yidhi”Maxkamada sare ee dastuuriga ahi 1-waxay ansixisay natiijada kumeelgaadhka ah ee doorashada madaxtooyada 2017-ka ee ay u soo gudbiyeen gudida doorashooyinka qaranka oo ah sidan xisbiga Ucid oo helay 23141 cod una dhiganta 4.17%, xisbiga Kulmiye oo helay 35909 cod una dhiganta 55.1% iyo xisbiga Waddani oo helay 22692 cod ina dhiganta 40.37%, taas oo sharci ah in xisbiga Kulmiye oo helay tirada ugu badan cododka kuna guulaystay tartanka doorashada masuuliyiintiisuna ku guulaysteen xilalka  madaxtooyada JSL oo kala ah,  musharaxa koowaad ee xisiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Xildiid oo ku guulaystay jagada madaxweynaha JSL,musharaxa labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Shire oo ku guulaystay jagada madaxweyne ku xigeenka JSL, qaraarkani waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 28-11-2017-ka.”

Guddoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews