HAYAANNEWS.NET
“Marka la Ilaalinayo Hantida Ummadda,Qofka Xukumaa waa inuu Aamin Noqdo” Sheekh Dirir
December 17, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

 Hargeysa (Hayaannews)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland, ayaa ka hadlay qaababka kala duwan ee loogu tagri-falo, loona lunsado hantida ka wada dhexaysa ummadda.

Sheekh Dirir oo khudbad ka jeediyey masjidka Rusheeye ee caasimadda Hargeysa maalintii Jimcihii toddobaadkii hore, waxa uu tilmaamay in qof kasta oo hanti dadka ka wada dhexaysa ku isticmaala sifo aan sharci ahayn uu yahay qof sameeyey fal tuugonimo ah, aakhirana Ilaahay (SWT) kala xisaabtamayo.

“Waxa ka mid ah sida loogu xad-gudbo hantida ummadda in adeegyada guud wax laga isticmaalo, sida laydhka, biyaha, gaadiidka, waxyaalaha ummaddu wada leedahay oo qof ayaa intuu qasabad biyo ah jabsado, haddana odhana waa wixii dawladda oo iska cabbaya, hantidii ummadda ayuu cunay oo tuugada ayey ka mid tahay. Waxa ka mid ah qof xil kursi loo dhiibo oo ku faa’iidaysta kursigaas oo maalmaha uu joogo ku xisaabtama wax ka qabso. Marka xukuumad la magacaabo qabiilada iyo reer walba wuxuu yidhaahdaa imisa ayeynu ka helnay? Inuu qofku kursigaa ka faa’iidaysto ama cid uga faa’iideeyo, taasi waa tii uu nebigu NNKH ka digay,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.

Waxaannu intaas ku daray; “Sida loogu xad-gudbo hantida ummadda waxa ka mid ah in la iibsado gawaadhi qaalli ah ama guryo qaalli ah, qalab guri qaalli iyo waxyaalo fara badan oo aan loo baahnayn oo masuul u iibsado i arkaay! Waxa laga yaabaa in ninkii wasiirka ahaa ama agaasimaha ama guddoomiyaha shirkadda ahaa isagoo helaya gaadhi shan kun ah (doollar) inuu qaato gaadhi sideetan kun ah (Doollar) ah maxaa kalifaya? Ummadda uguma dannaynayo ee isagaa dannaysanaya. Waxay ka mid tahay ku xad-gudubka hantida ummadda, waa in aad u dhaqantaa sidii agoonta waxooda loo ilaalinayey.”

Waxa kaloo uu sheekhu tilmaamay in burburinta hantida ummaddu ay ka mid tahay waxyaabaha keena in lagu xad-gudbo xoolaha ummadda, waxaannu yidhi; “Waxaynu aragnaa dhaqan xumada ummadda qaarkood ku kacaan ama barteen samaynteeda, haddii mudaharaadyo dhacaan waxa aad arkaysaa ugu horeyn waxa la burburiyaa hantida la wada leeyahay, guryaha, gawaadhiga dawladda, marka laga soo noqdana waxa la odhanayaa maxaa naga galay waa wixii dawladda.”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa sheegay in ay xad-gudub tahay in hantida ummaddu wada leedahay ay cid gaar ah iska qaadato ama si dano shaqsi ah ugu tagrifasho.

“Qofka iska qabsada ama gala hanti ummaddu wada leedahay waa xad-gudub, marka qaar kaloo tujaar ahna si gardarro ah u qaateen ama loogu dheefiyey, labaduba xaaraan ayey ku dhaceen, taajirkii iibsaday hantida ummadda iyo qofkii iska qabsaday hantida ee ka iibiyey,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.

Waxa kaloo uu Sheekh Dirir iftiimiyey in siyaabaha loo ilaalin karo hantida ummaddu tahay in qofka lagu tarbiyadeeyo sida loo xafido xoolaha ammaanada ah, waxaannu yidhi; “Sababaha loo ilaaliyo hantida ummadda waa in qofka lagu tarbiyadeeyo oo quluubtooda lagu beero in Ilaahay (SWT) uu arkayo, oo aanay maxkamadna iska eegin, maamulna iska eegin, dawladna iska eegin ee ay iska eegaan Ilaahay oo qudha, marka qofka dareenkaasi galo ayaa laga nasan karaa. Markii dawladdii Kisra ee gaalada la jebiyey ayaa colkii muslimiintu soo qaadeen qalabkii iyo taajkii boqorkii Kisra adeegsan jiray oo wada dahab ah markii uu Cumar Binu Khadaab arkay ayuu yidhi ‘Walaahi dadkaa hantida soo qaaday ee aan kala qeybsan ee u keenay amiirkoodii waa aamin’. Cumar isagaa ammaano lahaa dadkii ka hooseeyeyna waxay noqdeen aamin. Marka la doonayo in la ilaaliyo hantida ummadda  waa in qofka xukumaa uu aamin noqdo, si ka u hooseeyaana uu kaga daydo. Ka u weyni haddii uu halqafo, ka u yarna ma joojin karo, waana wax iska macruuf ah.”

Waxa kaloo uu sheekhu iftiimiyey in loo baahan in masuuliyiinta xilalka loo dhiibayo lagu soo xusho aaminimaad iyo daacadnimo si hantida ummaddu uga badbaado in lagu xad-gudbo, waxaannu yidhi; “Siyaabaha loo ilaaliyo hantida ummadda waxa ka mid ah in qofka xil loo dhiibayo lagu xusho aaminnimo, waxa ka mid ah in marka qofka xil loo dhiibayo la tiro-koobo hantidiisa, marka uu shaqada ka tagana la tiro-koobo si loo ogaado waxa ku kordhay oo loo weydiiyo hala uu ka keenay, miyuu shaqeystay? Miyaa loo hadiyeeyey? Miyuu halqafay (xaday).”

Sheekh Maxamed  Sheekh Cumar Dirir, ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in ummaddu yeelato dareen ay ku ilaashanayno hantidooda, isla markaana saxaafadda iyo mucaaradkaba looga baahan yahay inay noqdaan qaar soo jeeda oo ku qeyliya qofka isku daya inuu qaato hantida ummadda, markaas ayuu qofkii doonayey inuu qaato ka joogsanaya, taasoo lagu ilaalin karo hantida ummadda, isagoo ummadda ugu baaqay inay Ilaahay ka cabsadaan, iskana ilaaliyaan wax kasta oo ay ku mutaysan karaan ciqaab iyo cadho Alle.

Sheekh Dirir

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews