HAYAANNEWS.NET
Madaxweyne-SIILAANYO Oo Ku Sifeeyey Marxuum Cabdirisaaq Ciyaale Hawl-Kar Lagu Xasuusan Doono Doorkii Kala Saarida Ururada.  
November 30, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Hayaannews):Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu ku sifeeyey Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaalle) hawl-kar ka baxay qaranka, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka laguna xasuusan doono doorkii uu ku lahaa kala saarida nidaamkii ururada faraha badan ee qaranku uga gudbay nidaamka saddexda xisbi qaran

Madaxweynuhu waxa sidaa ku sheegay qoraal uu ku saxeexan-yahay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo maanta nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, asxaabta qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Cabdirisaaq Ciyaalle) oo ahaa gudoomiyihii guddida diiwaan-gelinta ururada siyaasadda iyo ansixinta xisbiyada qaranka Somaliland oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 30/11/2017, cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul hawl-kar ah oo ka baxay qaranka, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka laguna xasuusan doono doorkii uu ku lahaa kala saarida nidaamkii ururada faraha badan ee qaranku uga gudbay nidaamka saddexda xisbi qaran ee wakhtigan ka jira Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, asxaabta qaranka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Cabdirisaaq Ciyaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayannews@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews