HAYAANNEWS.NET
Madaxweyne-SIILAANYO Oo Ka Hadlay Curashada Sannadka Cusub Ee Islaamka 1439, Bogaadiyayna   shacabka
September 21, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hayaannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1439 Taariikhda Hijiriyada oo xalay Curtay, kuna beegan Taariikhda Milaadiga  21/09/2017, waxa uu ku Hambalyeeyey guud ahaan Shucuubta Islaamka, gaar ahaan Bulshada Somaliland, waxaanu sidoo kale u diray Duco iyo Allaah ka baryey inuu Sannadkan sannadkiisa iyo sannaddo badan oo kale Bashbash, Barwaaqo, Horumar, Nabad-qab, Midnimo iyo Wada-jir innagu gaadhsiiyo.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed Xambaarsanaa Hambalyada iyo Ducada Madaxweynaha Somaliland, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen-Dayr, ayaa Nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Warbaahinta Hayaannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka 1439 (Hijiriyada) awgii taariikhda milaadiguna ay tahay 20.09.2017, uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Wadamada islaamka iyo shacbiga muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladeeda kala duwan. isagoo ku tahniyadaynayaa curashada sanadka cusub ee Islaamka.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa in uu shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xanuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgeena, si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo inagoo isku duuban shacbi iyo xukuumaddaba.  Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan Qoraalkan ah ee ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews