HAYAANNEWS.NET
Madaxweyne Muuse Oo Guduudo-Carwo Ku Sifeeyey Xidigihii Ifiyay Ee Horumariyay Fanka Afka Soomaaliga Oo Ka Baxday
December 7, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

“IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”

 Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi  ayaa shacabka ka tacsiyadeeyey Geerida Fannaanaddii Caanka ahayd ee Shamis Guduudo-carwo

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxafadeed ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-caro) oo ku geeriyootay Hargeysa xalay oo taariikhdu tahay 07/12/2017.

Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ahayd hooyadii fanka Soomaalida, isla markaana ahayd gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacad, waxay caan ku ahayd heesihii Soomaalida ee loo yaqaanay Qaraamiga, waxaanay hormood u ahayd horumarintii fanka Soomaalida.

Madaxweynaha cusub waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Shamis Guduudo-carwo mid ka mid ahayd xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Afka Soomaaliga oo ka baxday dhammaan dadka Soomaalida ah, isla markaana waxa uu xusay inay ahayd addoon wanaagsan oo aad u cibaado badnayd.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Muuse

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews