HAYAANNEWS.NET
Khudbadii Dr Cali Khaliif  “Somaliland Iyada Ayaa Danteed  Mooday Inay Khaatumo La Hadlaan…” DAAWASHO-WACAN
June 18, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hargeysa): Hogaamiyaha Maamulka Khaamuto Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa uu ka jeediyay khubad qiimo baddan heshiiskii uu Somaliland la saxeexday.

Dr. Cali Khaliif Galaydh ayaa hadalkiisa ku yidhi “Somaliland iyada ayaa danteed  mooday inay Khaatumo la hadlaan anagana waa muran ma doonto oo dastuurkayaga ayay ku taalaa inaanu wada hadal iyo nabad raadino oo anagu aanu ku wada noolaano oo dariskayaga kula noolaano, Geeska Afrikana nabadaas laga wada raadiyo, bilow fiican ayaanu maraynaa wada-hadaladanina muddo ayay soo socdeen, waa run markii hore in laysbarto wakhti ayay qaadatay iyada oo qof waliba waxii uu meesha la yimi ku dhagenyahay ayay haddana dhexmartay saaxiibtinimo iyo niyad sami, waa intaas oo dadkii oo dhan lawada-gaadhsiiyaa, anagu hadaanu Khaatumo nahay waa run oo nabadna waanu rabnaa wadankan uu Ingiriisku xukumi jiray ee aad magacii idinku hadda la wareegteen ileen waa la wada lahaaye, dawlada Somaliland kamaanu mid noqon haddana sida ay tahay kama mid noqonayno waxaanuse diyaar u nahay taas aanu haddaba meesha u wada fadhino in laga wada hadlo, arimo siyaasi ah ayaa laysku hayaa oo xal siyaasi ah ayaa loo baahan yahay, ku dhiirasho iyo hoggaamin ayaa loo baahan yahay,dadkani dad laysku khasbayo oo laysku tolaayo maaha, colaado way dhaceen oo soo jireen ayayba ahaayeen intan aad imika dawlada noqoteen ee aad noo dawladayseen ee ciidamada aad yeelateen ee milatariga  iyo baybayga aad noola soo baxdeen intii ka horaysay waa lays layn jiray waxa laysku laayana waa la yaqaanay oo waa laga heshiin jiray. Arrintani waa mid culus umad dhan aayaheedii,mustaqbalkeedii iyo taariikhdeediiba waa tahay in laga doodo, anagu diyaar ayaanu u nahay Allena waxaanu ka baryaynaa in caqligeedii iyo xigmadeedii aanu umaddan ugu horseedi lahayn nabad ku wada noolaansho iyo wax wada yeelasho iyo sinaan iyo cadaalad, anagu cidna marti u noqon mayno cidna magan u noqon mayno ciddii filaysa in hoosta nala galinayay cidna marti u noqon mayno laakiin ama si cad ayaynu ku binaynaynaa waxaynu wada leenahay ama si cad ayaynu ku kala tagaynaa, waxayna hadda u eegtahay in si cad lagu heshiin doono, bilow fiicana waan maraynaa.”

Cali Khaliif Galaydh

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews