HAYAANNEWS.NET
Imtixaanka Shahaadiga Ee Sanad Dugsiyeedka 2017-ka Ee Dugsiyada Hoose, Dhexe Iyo Sarre Oo Ka Bilaabmay Somaliland
July 3, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hayaannews):- Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka Afraad ee Dugsiga Sare iyo Fasalka Siddeedaad ee Dugsiga dhexe, ayaa shalay Sabtidii si rasmi ah uga bilaabmay gobollada iyo degmooyinka Somaliland, kaas oo ay u fadhiisteen Arday Tiradoodu dhan tahay 26,558 Arday oo Fasalladda 4-aad ee Dugsiyada Sare iyo 8-aad ee Dugsiyada dhexe isugu jira Dalka oo dhan.

Shir Jaraa’id oo ay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ku qabteen gelinkii hore ee Maanta magaalada Hargeysa eyey Faahfaahin kaga bixiyeen qaabka Imtixaanku u bilaabmay, Tirada Ardayda u fadhiisatay, Shuruudaha hirgalaya ee ay sannadkan Wasaaradda iyo Xafiiska Imtixaanaadku soo rogeen iyo jewiga dalka oo dhan Imtixaanku uga bilaabmay.

“Tirada guud u fadhiisanaysa Imtixaankan Shahaadiga ah 2017-ka, waa 26,558 Arday oo u kala baxa 16,500 Ardayda Dugsiyada 8-aad ah iyo 10,58 Arday oo Dugsiyada Sare ah. Dugsiyada dhexe waxa lagu galayaa 403 goobood, Dugsiyada sarena 121 goobood, Fasal kasta waxaa ilaalinaya laba Macallin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi-Dheere) oo Shirkaas Jaraa’id ka hadlay.

Ardayda Sannadkan ayaa noqonaysa Tiradii ugu badnayd inta ay Somaliland jirtay ee Imtixaanka Shahaadiga ee Fasallada Afraad iyo 8-aad ee Dugsiyada Sare iyo dhexe u fadhiista, inkasta oo ay jiraan Arday badan oo u fadhiisan lahaa Imtixaankan 2017 oo Dalka ka Tahriibay intii aan wakhtiga imtixaanka la soo gaadhin.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax, Wasiir Habbane iyo Xubnaha kale ee Shirkada Jaraa’id ku wehelinayey, waxaannu Warkooda iyo hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Imtixaanka 2017ka

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews