HAYAANNEWS.NET
HARGEYSA: Askari Ciidanka Booliska  Somaliland Ah Oo Si Badheedha U Dilay Wiil Dhalinyaro Ah.
November 30, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariiste Marxuum Abokor Cabdicasiis Japan ayaa caawa ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, kadib markii askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland uu si badheedha xabad uu wadnaha kaga dhuftay maanta abaaro 12:00 duhurnimo.

Dilka wiilkan dhalinyarada ah ayaa ka danbeeyey, kadib markii koox dhalinyaro ahi isku laayeen Xaafadda Axmed Gurey ee Degmada Axmed Dhagax ee Caasimada Hargeysa, kadibna goobtii ay yimaadeen Ciidamada booliska Somaliland si ay u kala kaxeeyaan dhalinyarada, kadibna dhalinyaradii ayay u adeegsadeen xabad nool waxaanay ku dhacday Alle ha u naxariiste Abokor Cabdicasiis Japan oo halkaasi ku geeriyooday.

Marxuumkan dhalinyarada ah oo da’adiisa lagu sheegay 18-jir ayey dishay gacan ka xaq-daran, iyada oo aanay jirin wax danbi ah oo uu galay. Maaha markii ugu horeysay ee Ciidamada Booliska Somaliland si badheedha u dilaan dhalinyaro yar-yar oo aan hubeysnayn u baahan in loo caqli celiyo, balse way soo noqnoqotay inay Ciidamada Boolisku si badheedha dadka shicibka ah rasaas nool ula dhacaan, halka ay ka ahayd inay ka adeegsadaan waxyaabaha kale ee loo adeegsado rabshadaha ama mudaharaadyada.

Sidaa daradeed, waa in dhac-dooyinkan foosha xun ee shacabka sida badheedhka Ciidamada Boolisku rasaasta ula dhacayaan wax laga qabtaa, oo la qiimeeya shacabka wanaagsan ee aan waxba galabsanin.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaan ka hadlin dilka wiilkan dhalinyarada ah ee Askarigu dilay iyo inay gacanta ku hayaan gacan ku dhiiglihii dilkan foosha xun geystay.

Bahda Shabakada Hayaannews waxay Tacsi u dirayaan Qoyskii, Eheladiim Qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Abokor Cabdicasiis Japan oo caawa oo ay taariikhdu ahayd 30 November 2017 ku geeriyooday Cusbitaalka guud, kadib markii Askari Ciidanka Boolisku ahi u si badheedha u toogtay.

Waxaanan ILAAHAY Marxuumka uga baryaynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, dhamaanteena Samir iyo iimaan innaga siiyo.

Aamiin……………………………………Aamiin ………………………Aamiin

Abokor Cabdicasiis Japan

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayannews@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews