HAYAANNEWS.NET
Cusbitaalka Guud ee Laascanood, Baahiyo & Duruufo ku Gedaaman.
December 19, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

.
las
Cusbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ayaa dhismihiisa la aasaasay sanadki 1947 kii waxaana sanadkii laga soo gudbay uu noqday kii illaa iyo mudadaa ugu hhorreeyey ee dib dayactir iyo ballaadhin loogu sameeyo, marka dayactirkiisa dhisme laga reebo ayaa lagu kordhiyey dhismeyaal tirsigoodu yahay 20 dhisme, waxa kale oo lagu dhamaystirey laydhka cusbitaalka oo ahaa illaa iyo xiligii burburka mid uu baahi u qabay hase ahaatee xiligan lagu guulaystay in lagu dhamaystiro kaas oo ah laydhka cadceeda laga dhaliyo dhamaana qalabka isbitaal ka wada shaqaysiiya, waxaa kale oo meel wanaagsan maraya biyo gelinta cusbataalka kaas oo markii ugu horeysey lagu guulaystay in loo qodo ceel biyood uu gaar u leeyahay kuna dhex yaala xayndaabka cusbataalka , ceelbiyoodka oo ay soo saaristiisa gacanta ay ku hayso shirkada qodaalka ceelasha ee Nugaal Inc, shirkadaas oo sida ay sheegtay dhawaan dhamaystiri doonta qodaalkiisa iyo biyo soo saarista ceelbiyoodka isbitaalk, waxa kale oo iyaduna ahayd baahi uu qabay cusbataalku jid laami ah oo loo maro cusbitaalka guulna laga gaadhay in dhismihiisa la dhamaystiro.

Muuqaalka guud ee Cusbitaalka iyo dhismayaasha lagu siyaadiyey hadda ayaa ah kuwo il qabatin leh oo ku soo jiidanaya marka muuqaalkiisu ishaada ku dhaco, hase ahaatee marka aad gudaha u gasho waxaad ugu horreynba tebaysaa qalabka yaalaa inuu yahay mid aan badnayn isla markaana aan dabooli karin baahiyaha guud ee cusbitaalka iyo adeegyadiisa looga baahdo.

Waana hubaal inaad ka markhaati furayso in dhaqaale badan la geliyey Cusbitaalkan kaasoo weliba ah mid si hagarbaxa loogu huray, looguna dhamaystiray dhisme ahaan , waxaase kuu soo baxaysa in dhismahaasi ahayn mid loogu aayeyo sida loogu hawshooday, dhanka ganacsatada iyo bulshada deegaanka magaalada lascanod ayaa baahidiisa taagani ahayn mid ka maarmaya, marka loo eegayo ilaalinta iyo tayeynta danta guud ee la wada leeyahay, waana mid ay ku haleeynayaan wasaarada iyo hay’addaha waxtarka ku darsada.

Cusbitaalka magaalada lasanod waxa ka shaqeeya xilligan shaqaale aan ku filayn kuwaas oo tebaya dhanka aqoonta, xirfadaha, takhusaska, tirada, waxyaabahaas oo dhamina waa kuwa wiiqaya habsami u socodka hawlaha cusbitaalka ee guud.
Baahiyaha ugu waawayn ee Cusbitaalku uu u baahan yahay iminka Waxaa ka mid ah :

1:Ina la qalabeeyo Cusbitaalka maadaama dhismayaal ka badan 20 dhisme la dhamaystirey oo la diyaariyey, qalabkaas oo ah mid intiisa badani aanay hore uga shaqayn jirin cusbataalka laakiin hadda ay waaxyahaas oo dhami yihiin kuwa baahi aad ah loo qabay oo lagu kordhiyey .

2:In loo helo dhakhaatiir ka badan kuwa ka hawl gala iminka oo aan badnayn, sidoo kale laamaha cusub ee caafimaad ahaan aan gobolka ka shaqayn jirin oo u baahan xirfadlayaal takhasuskooda leh. waxaana ay ahaayeen kuwo shacabku ka haysteen ballanqaadyo Xukuumadii hore ee Madaxwayne Siilaanyo iyo wasiirka caafimaadka oo wakiil kaga ahaa Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye , kuwaas oo ay balan qaadey in ay keeni doonto xukuumadu Cusbitaalka marka dhismihiisu uu dhamaado khaas ahaan Sadex dhakhtar oo takhasuskoodu deegaanka ku sababo masaafo u galaan baahidooda.

3:In laga shaqaysiiyo wax soo saarkiisa si uu yeesho dhaqaale u gaar ah Cusbitaalku taas oo ah arrin lagaga hortegayo in aanay isu istaagin hawlaha shaqo ee cusbitaalku dhaqaale la’aan. .

4:In Cusbitaalka loo sameeyo waxyaabaha kor u qaadaya Blicda iyo muuqa Cusbitaalka Sida dhireyntii dhismaha cusub oo la’aanteedu ah mid mid ka muuqaa isbitaalka .

las

las2

las3

las1

Mawliid Haradigeed

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews