HAYAANNEWS.NET
Waa Tix Ku Socota ARABKII KULMIYE
December 17, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Haddii aan kaalin qaad hawl kar ahi qaban karkaarkeeda

Oo waayo arag kaafiyaa talo ku kaabaynin

Kob cagaarle xaajaw ma dego reer kalkaal xumiye

Hanka kooban kaydkiisa waa lagu kadeedmaaye

Arabkii siduu yahay karreeb sii kar dhabanaayay

Kulmiyaanu nahaydii wax badan kala kodhlaynaayay

Kaalmaynti muusiyo ku qade daba kadlayniiye

Kaskoodiyo hankooduu dersoo kow kamuu odhane

Maantay fartoodii karheen kii u hawl galaye

Kaymaha markii uu u baxay karinta uubaale

Ee muuse kaafiya wax badan kor ugu luuqeeyay

Kasabashada abaalkiisi hore yidhi ku kaalmeeya

Isagana suldaaankii kama’ay lama karaamayne

Kadlo iyo wuxuu orod ku jiray koobki ololaynta

Ee kabahu gooyeen markay heestu kululaatay

Awrkiisa goortuu kacsaday kiiba ma ahaynine

Bal kijaandhe eeg sidu gacmaha koodadka u saaray

Kambadhuudh xumaantiyo in aan cidiba kaalmaynin

Kaabaynki tiimbaro ku waa koob in loo shubo-e

Kal dhaafkuu tirsatay waaayo dheer lagama kaalmayne

Kool-koolintii qababo ku waa kab iyo maaamuuse

Kobciyii barbaartee cimiga laga kulaalyay
Khadar xaajigay kala kacsheen kiisi muu heline

Cabdillaahigii bari u kacay kayd kamuu heline

kutub tiisi loo daa khaliil lgama kaartayn,

Badhasaab Qabo

Xuseen Xaamud Afmadaw

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews