HAYAANNEWS.NET
Tolkay Sidan Kuma Miyir Qabo!!!!! Qalinkii Maxamed-TAAJIR
November 7, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Sheeko faneed aad aan ugu qoslo ayaa odhan jirtay rah ooman xili jiilaal daba dheeraaday lagu jiray ayaa u amaahtagay qolo xoogaa biyo ah uu ku tuhmaayay, nasiib wanaag biyihii si gobonimo leh ayaa loo soo amaahiyay xaaladii adkaydna waxbay uga tareen, se maxay kuugu taalaa markii xili roobaadkii la gaadhay ee uu mushxarad iyo hees wax loo kala garan waayay bilaabay ayaa biyihii loo soo dontay, ismaba dhibine waxa uu ku jawaabay ” cidii miir qabta ee aad aragtaanba dayntiinii waydiista “.

waa isla sidii iyo si ka daran oo maanta Somaliland ayay ka taagan tahay, waa dalkaygii mudo rubuc qarni ah ayuu cagahiisa ku taagnaa oo madaxweynayaal afar ka badan ayaa hada talada soo qabtay, waxa ruux kasta u muuqda dhibaatada runta ah ee dalkiisa haatan ku gadaaman sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada Sacad 70% dadka dalku aanay shaqayn,50% waxbarasho ma helaan, 50% inkabadan ayaan helin biyo nadiif ah oo ay ku noolaadaan, aan ku sii daree musuq xadhkaa goostay ayaa dalkii jilbaa dhulka u dhigay, qabyaalad saaxiibadii ay saaxiibtinimadoodii ka wadan kari waayeen ayaa dadkii kala irdhaysay.

waxaas oo aan dhibaatooyin soo tiriyay iyo kumanaan dhibaato oo ka badan iyada oo aynu indhaa ku hayno maalinta ay sanduuqa doorashada dul tagayno iyo inta ka horaysaba oo ah wakhtigii aan raadin lahayn hogaamiye ina wada mahatala oo xaliya dhibaatooyinkeena waxaan la sakhraanaa qabyaalad, sakhrada waxaan ka soo kacnaa marka la kala guulaysto waan u hanbalyaynaa ninka guushu raacday waynuna u cudur-daarnaa kii aynu badalnay oo waliba jacaylna ugu darnaa, laakiin wali dhibaatooyinkii aynu ka cabanaynay bartii uunbay isla qaabkii iyo qaab ka sii fool xun ay inuugu sugayaan.

tolkay malaa sidan kuma miyirqabo!, hadalkani waa iga run ruux kasta oo nool oo reer Somaliland ah waxa jira wax na mideeya iyo waxaanu ku kala duwanahay, baahi aanu wada leenahay iyo mid gaar noo kala ah oo mid kastaaba gaar kiisa u leeyahay, miyaan la joogin wakhtigii aan ku baraarugi lahayn waxaynu wada leenahay inaan u helno hogaamiye dhabeeya hadii uu dhabayn waayana aynu nidhaahno fadlan xilka noo dhig xataa adiga oo aan dhamaysan mudo xileedkaaga, miyaynaan gaadhin xiligii sakhrada aynu joojin lahayn xiliga doorashooyinka.

wali waynu cabanaynaa sidii iyo si ka daran ayaynu u sii cabanaynaa waayo xaaladu way sii xumaanaysaa hadaan wax laga qaban, maanta ayaynu nahay wiil iyo aabihii, wiil iyo adeerkii, wiil iyo abtigii, wiil iyo seedigii, wiil iyo sodogii, dhamaanteen waxbaan isku nahay waliba waxaynu nahay dad ku talax tagay dhaqanka wax wada cusnista iyo wada noolaanshaha oo dadka dunida ilbaxday ku nooli aanay haysan, hada qoraalkaygan waad akhrinaysaa laakiin waxaan u baahnahay inaad ila fahanto dhibaatada aan xuduuda lahayn ee aynu samaynayno, inaad ila fahanto inaan joogno xiligii dhibaatada aan ku toosi lahayn oo aan wax ka qaban lahayn, xiligii raganimadeena,garashadeena iyo hankeena xuduudaa ka talaabay ee aynu qaarada aynu ku noolnahay ee Afrikaba kaga duwanayan aynu adeegsan lahayn.

fadlan waa la joogaa xiligii aan sakhrada dhaman lahayn, waa la joogaa xiligii aynu dan hadli lahayn, waa la joogaa xiligii wax walba aynu xalka u baadhi lahayn, waa la joogaa xiligii aynu nafaheena wax tari lahayn, waa la joogaa, haa waa la joogaa, waa runtay adiguba waad ogtahay in aynaan sidan ku sii socon kayan.

TAAJIR

Maxamed Taajir

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayannews@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews