HAYAANNEWS.NET
Runta Soomaalilaand Qalinkii Ibraahin-Hawd
November 24, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Doorasho madaxweyne oo dunidu dhiirrigelin badan ku bixisay baa Soomaalilaand la ga qabanqaabiyay. Ololaheedu bilo dhan buu hawlihii dawladda oo fuuqsaday, wax wal oo la hayayna loo huray. U gu dambayn degaannada Isaaqu ka taliyo oo dhan bay ka dhacday doorashadaasi maalintii ay taariikhdu ahayd 13.11.2017. Bulshadu waa ay gudatay xilkeedii ahaa in ay nabad iyo xasillooni ku codayso. Intaa ka dib waxaa hadhay masuuliyaddii dawladda, tii Guddida Doorashada iyo tii xisbiyada. Taasi imtixaan weyn bay ahayd, waayo muddadii uu Kulmiye talada dalka hayay maalin qudha sharci la gu ma dhaqmin, hadda mar keli ah – garsoor iyo caddaaladna gelin qudha la ma arag. Madaxda xukuumadda iyo kuwa xisbiga ee Kulmiye waxaa loo ga bartay in ay awoodda dawladda u gu dhaqmamaan sida ay doonaan oo qabyaalad, boob iyo budhcadnimo ah ku salaysan. Dastuurkii waa la laabay muddadaas 7 sannadood iyo dheeraadka ah, habsamida shacbiga iyo is ahaantiisana intii la burburin karo ayaa la burburiyay. Sidaa darteed la ma sugayn doorasho xalaal ah oo ka turjumaysa danta iyo doonista umadda. Qof walba waxaa hor yuubnayd wayddiinta ah, sidee bay dadka dhaqankaa caadaystay u ga suuroobi kartaa in ay qabtaan doorasho u dhacda si caddaalad iyo sharci ah? Run ahaantii aad bay u yaraayeen dadka rumaysnaa taasi in ay suuroobi karto. Hayeeshee dad badan wax ay ka ahayd ku eegid iyo kaadi badane u gogol badi.

Doorashadaa aan asalkeedu xalaasha ahayn, ee u dhacday sida aan xalaasha ahayn, dabcan waxaa ka soo baxday natiijo aan xalaal ahayn. Codbixintii basarxumooyinkii ka horreeyay, kuwii ku dhex jiray iyo kuwii ka dambeeyay midna sharci loo ga cawdaa ma jirin, waayo maxkamadda xilkan yeelan lahayd waa waraabe-utaag Hagbadda Kulmiye gacanta u gu jirta oo ku qaybsan oo keliya in ay xaaraanta u xalaalayso. Sidaas bay u dhacday taariikhdaasi.

Haddaba waxaa warcelin u baahan wayddiimahan: Waa maxay Soomaalilaand? Yaa leh Soomaalilaand? Maxay isu yihiin reer Soomaalilaand? Maxaa la gu helaa Soomaalilaand maxaa se la gu waayi lahaa la’aanteed? Jawaabuhu asal iyo duudduub waa sidan: Soomaalilaand waa riyo Isaaq doonayay in uu ahaanshihiisa qabiilnimo ku arko oo ku xaqiijiyo. Soomaalilaand waxaa leh hadba kooxda talada haysa iyo inta ku xidhan oo keligeed xaaraan ku dharaarmaasha. Reer Soomaalilaand isu ma aha wax ka dhow waxa ay soomaalida oo dhami isu tahay. Soomaalilaand waxaa la gu helaa tookha Isaaqa iyo dhayidda nafsiyaddooda soomaalida kale ka bugta. Waxaa kale oo la gu helaa boob xoolo dawladeed oo la ga baqayo in ku dhex jirka soomaalida kale la gu waayayo.

Wax aynnu wada og nahay Soomaalilaannimadu in aanay lahayn astaan muuqata ama dahsoon oo ay ka ga soocan tahay soomaalida kale: isir ahaan, af ahaan, dhaqan ahaan, juqraafi ahaan iyo wax kale toonna. Wax aynnu kale oo og nahay soohdimaha siyaasadeed ee soomaalida u dhexeeyaa in aanay dabiici ahayn ee taariikhdu u macmashay. Soohdimahaasi wax ay u qaybsan yihiin kuwo aynnu xilligan ku qasban nahay oo aynnaan waxba ka doorin karin, sida gobolka Xabashidu gumaysato, iyo kuwo ay taladoodu gacanteenna ku jirto oo sida aynnu doonno ka yeeli karno, sida Soomaalilaand iyo Soomaaliya dhexdooda. Haddaba qarnigii hore dhexdiisii kolkii gobannimada loo kacay ummadaha kale ayaa la ga la mid ahaa doonista ah in la noqdo dawlad quwad iyo haybad leh oo isirka soomaalida oo dhami ku midoobo oo jiritaankiisa ku wada ilaashado. Aragtidaas baa la wada qabay oo la wada qaatay, waana sababta ilaa maanta loo wada maamuuso qof wal oo maalin uun qadiyaddaa eray u yidhi, arrin u keenay ama addin u qaaday.

Halgankaa sarreeya judhiiba waxaa la gu xaqiijiyay afar guulood oo isdabajoog ah. Waqooyi ayaa Ingiriiskii la ga kiciyay, Koonfurtii ayaa haddana Talyaaniga la ga xoreeyay, dabadeed labadii qaybood la mideeyay, la dawladeeyay, oo la ga soo saaray jamhuuriyad ay soomaalidu ku wada dhaadato. Haddana waxaa laydha gobannimada la ciyaaray calanka Jamhuuriyadda Jabbuuti. Mashruucii midayntii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, oo ay dhab ahaantii reer Waqooyigu hormuud ka ahaayeen, in kasta oo aan la gu liibaanin haddana ma ahayn gef dhacay iyo ilduuf, sida maanta la gu sheego, ee wax ay ahayd han weyni la gu doonayay qaddiyad caaddil ah. Waa ay dhici kari lahayd niyadsamidaa iyo kacdoonkaasi in uu keeno midaynta soomaalida oo dhan, laakiin taariikhdu mar walba dhanka aad u socoto kuu ma raacdo. Waxii dib ka qaldamay, caddaalad xumadii la ka la sheegtay iyo colaaddii sokeeye ee burburka iyo gumaadka weyn keentay waa masalo ka baxsan guuldarradii markaa ka dib ku dhacday soomaalida midaynteeda iyo gobaynteeda. Dhicisoobiddii mabda’a Soomaaliweyn iyo colaaddaasi wax ay ahaayeen masiibooyin lahaa sababahooda gaarka ah, mana qummana in la gu qiimeeyo dunta iyo nuxurka soomaalinnimada.

Mar kale, Kacaankii Oktoobar oo aynnu maanta wada hiifno dhalashadiisa bulsho weynta soomaalidu aad bay u soo dhowaysay oo u dhistay. Dhawrkii sannadood ee cimriga maamulkaa u gu horreeyay midnimada, niyadsamida, hanka iyo kartida umaddu aad ayay u weynayd, waayo isbeddel bulsheed iyo dawladeed baa loo wada heellanaa, waxaana soo dhacday dabayl sidday nafsiyad waddaniyadeed. Hoggaanka Kacaanku bilawgii ma ahayn Maxamed Siyaad Barre kelidii ee wax uu ahaa saraakiil jabsan oo firfircoon oo abaabul wanaagsan, wax uu se Kacaankaasi leexday taladuna ka leexatay, oo Maxamed Siyaad dhagaroobay umaddana isku dhagareeyay, kolkii uu la jaanqaadi kari waayay tabashooyinkii bulsheed iyo dhaliilihii ka soo baxay maamulkiisa, gaar ahaan intii ka dambaysay jabkii Soomaaligalbeed iyo haddana curashadii mucaaradka hubaysan. Cilladihii halkaa ka soo baxay dartood markii la isu laayayna Maxamed SIyaad Barre wax uu ku limmaday dacdii qabyaalad siyaasadeed ee uu isagu walaaqay oo ku gumoobay qarankiina ku gumeeyay. Ha ahaatee taana xaq ma aha in loo sababeeyo dhimashada soomaalinnimada iyo midaynteeda, waayo Maxamed Siyaad cidna soomaalinnimadeeda masuul u ga ma ahayn, haddii ay xumaato iyo haddii ay samaato toonna.

Halkan baynnu qiso cusub ka gelaynnaaye, si walba oo ay wax noqdeen, haddii ay Soomaalilaand sannadkii 1991 ka dhalatay eedda iyo cabashada ah Koonfur baa na qabyaaladaysay oo dawladnimadii xaqdarro iyo eex na ga gelisay, ama ay ka dhalatay in maamulkii Maxamed Siyaad Daaroodoobay, mar kale Koonfuroobay, mar saddexaadna kelitalisoobay, xaqiiqo waxaa ah arrimahaasi meel ay maanta Soomaalilaand ka ga foolxun yihiin weligeed taariikhda soomaalida la gu ma arag, meelnaba iyo marnaba. Soomaalilaand maanta ma aha meel hannaan dawladeed oo dhab ah ama sharci ku taagani ka jiro ee waa dad ku wada jooga xeer jajab iyo danooyin yaryar oo kooxo lee yihiin, taas oo si aad u foolxun la isu gu dulmiyo. Waxaa la xalaashaday oo dhaqan la ga dhigtay dawladda iyo siyaasaddu in ay ahaadaan oo keliya qabyaalad, in xukunka iyo xilka dawladda la gu raadiyo la guna helo qabyaalad badheedh ah, in aan sharci cid qabtaa jirin, in aan wax garsoor la yidhaahdo xitaa mar qudha la isxusuusin, in hantida qaranka sidii la doono loo boobo eed la’aan iyo ceebayn la’aan, eexda iyo qabyaaladda masuulka dawladdu in ay noqoto xaqiiqo qof waliba ku talagalo oo qorshaha ku darsado, muwaaddinku in aanu yeelan xaq aan ahayn waxa uu ku helo qabyaalad, iyo u gu dambayn in qofka lexjeclo dawladeed iyo akhlaaq muujiya loo arko qof waalan.

Soomaalilaand ilaa bilawgeediiba qabiilnimo ayay ku dhisnayd, wax ay se ahayd xaalado ama marxalado loo gu danaynayay ururinta bulshadii reeraha u ka la qubatay horraamihii sannadihii sagaashannadii. Marnaba qorshuhu ma ay ahayn qabyaaladda dawladeed in ay waarto sidan ay u waartay. Dhanka kalena colaadihii dhacay ka dib qabiilnimada dawladeed wax ay ahayd heer dabiici ah oo la mid ah sidii bulshadu hidde ahaan isu abaabuli jirtay ee khilaafka ku wada xallisan jirtay. Ujeedku marnaba ma ahayn in qabiilka iyo qabyaaladda la ga dhigto aydoolojiyad ama mabaadi asaas u ah xisbi iyo siyaasad, xukunka dawladdana la gu saleeyo. Iyada oo ay sidaa ahayd, Kulmiye iyo xisbiyada kale oo dhan, kuwii dhintay iyo kuwa maanta jiraba, ilaa waxaa la ga unkay ”reer hebelow codka na siiya”, laakiin sidan Kulmiye maantu ku dhisan yahay arrintu marnaba ma ahayn ee ah ”reer hebelow, idinka iyo annaga ayaa xisbiga wada leh, oo guddoomiyaha iyo madaxweynaha isu celcelinaynna, dawladda ku haysanaynna, sidaana reeraha kale ka ga xigsanaynna”. Xaaladdan dambe waa aydoolojiyad ama aragti ay rumaysan yihiin xisbigan aqoonyahankiisa, siyaasigiisa, suldaankiisa iyo dadweyne badan oo ka tirsan labada reer magacooda la qafaashay. Xisbigani xaqiiqada uu ku dhisan yahay waxaa si qeexan u bayaaminaysa magacbixinnada Jeegaan iyo Hagbad. Waxaa jira dad kolka xaqiiqada Kulmiye sidaa loo caddeeyo ku meeraysta marmarsiinyo ah ”weligeedba siyaasadda iyo xisbiyadu qabyaalad bay ku dhisnaayeen, Hagbadduna waa waxii uun”. Xaasha. Waa been ee labada xaaladood aad ayay u ka la duwan yihiin. Xisbigan waxaa dhab u ga mid noqon kara oo keliya qof ay haybtiisu tahay Habar Jeclo iyo Habar Awal, shakhsiyaadka kale ee dhex boodaya oo dhamina waa jaariyado labadaa qolo guryaha u ga adeega. Waa shakhsiyaad xilal loo magacaabo iyaga oo rumaysan in la gu sooray, kana habranaya hawladeennada iyaga la siman ee ka dhashay reeraha Hagbadda.

Dabadeed wayddiinta xitaa ilmaha yari warcelinta u doonayaa wax ay tahay, haddii aad xisbigaaga mabda u ga dhigtay magac laba reer oo sida aynnu kor ku xusnay ku ballamay, sow fikir xumi noqon mayso in aad doonto in aad dawlad u noqoto dad aan labadii reer midkoodna ahayn? Dhanka kale, waa maxay akhlaaqda iyo garashada qof karaamo leh u bannaynaysa in uu maamul dawladeed oo caynkaas ah hoos joogo, bal in uu ka tirsanaadaba iska daaye?

Soomaalilaand in ay hesho dawlad qarameed aan ahayn dawlad qabyaaladeed waxaa diiddan koox ama qof rumaysan in aanu si kale waxba ku helayn. Qofka dhaqankaa taabbagelinayaa waa isla masuulkii aqooneed iyo siyaasadeed ee bulshada xaaladdan ka saari lahaa, wacyigeedana gaadhsiin lahaa heer qarannimo. Sidaa darteed ma muuqato hab-dhaqankaa in la ga bixi doono sebaannada dhow, sida ay u muuqato habkaa in aan la gu gaadhi doonin dawlad qarameed. Halkaa dhalanteed dawladeed oo aan run noqon karin iyo muuqaal aan la sii daawan karin baa ka soo baxaya.

Xaqiiqada siyaasad bulsheed ee sidaas ah cidda ku qasban in ay hagaajinteeda u kacdo, waxaa qasab ah ciddaasi in ay huri doonto dadaal, tamar iyo waqti aad u badan. Halkaa waxaa ka dhalanaysa fikrad kale oo ah, oo waxaas oo dadaal, tamar iyo waqti ah ee la gelin lahaa ka la basrinta reeraha Isaaq ee arrinkoodu sidaa u bukooday, maxaa diidaya in la geliyo hagaajinta soomaalida oo dhan, illayn dhibaatada iyo xalku labada jeer waa isku mid uune? Isaaqnimadu miyay dawladnimada u lee dahay nuxur dheeri ah, miyuu se reerkaasi isu hayaa arxan dhaama ka ay soomaalida kale u hayaan? Haddii aynnu tusaale ahaan isbarbardhigno gaashaanbuurta Hagbadda oo ay afar qabiil oo ilmo Sheekh Isxaaq ahi ku bahoobeen, heerka yaabka leh ee xinkoodu ka joogo reerka ay mid midka u la siman yihiin ee Garxajis, miyuu wax ka ga duwan yahay xinka Isaaq oo isku dhami u hayo Daarood? Jawaabtu dabcan waa maya. Labadaa xin haba yaraatee waxba isma dheera. Waa tabtaas soomaalida kale oo dhamina, oo run ahaantii ma jiro is ahaansho aan afka baarkiisa ahayn oo reeraha Daarood ama reeraha Hawiye ka dhexeeyaa. Maxay Habar Gidir iyo Abgaal isu kordhiyaan ama isaga tudhaan, maxay se Majeerteen iyo Marreexaan is taraan ama isaga arxamaan? Iyada oo ay sidaa tahay ayaa haddana siyaasadaha iyo dawladaha soomaalida la gu saleeyaa dareen khayaali ah oo aan wax waaqic iyo dan ahi ka dhex muuqan haba yaraatee.

Xaqiiqadaas aan qof munaafaqaynaya mooyee qof daacad ahi beenin karin ayay tahay in la ga ambaqaado baadindoonka dawladnimada iyo midnimada lunsan ee soomaalida ee aan maanta matalaad mooyee meel ay macne ahaan meelna la gu hayn.

Ibraahim HAWD

Qalinkii Ibraahin-Hawd

Hayaannews, Office

Email:Hayannews@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews