HAYAANNEWS.NET
Madaxweyne: Sheekadda Daawadu Waa Tii Caydiid iyo Cali Mahdi: Kursina Laguma Waayo: Qalinkii Maxamed Amin
May 9, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Hogaamiye kasta oo soo mara taariikhda dalkiisu calaamado ay dadkiisu ku xasuustaan ayuu leeyahay.

Madaxweyne waxyaabaha lagu xasuusto ee la odhan karo taariikhda Somaliland caruurta ha loo dhigo waxa ka mid ah dhawr arrimood oo aan kaa xasuusto.

Ugu horeyn sida ay taariikhyahanadda wadankeenu sheegeen sannadkii 1984-kii, markii uu geeriyoooday halgamaagii weynaa Maxamed Xaashi Diiriye Lixle, dad badan oo ka mid ahaa taageerayaashii SNM, isla markaana aad uga niyad jabsanaa geeridiisa, Ilaahay ha u naxariistee, ayaa waxa lagaa qorey hadal aad tidhi oo ahaa “SNM waa wada Lixle” hadalkani oo ay halgamayaashii SNM u fasirteen inuu mid kasta oo ka mid ahi yahay Lixle oo kale, waxaanay taasi horseeday inay dhalinyaro badan oo ka mid ahayd SNM ay ka qayb galaan dagaalkii Buuraha, khasaarihiisuba ha bate!

Waxa kale oo lagugu xasuustaa sannadkii 1988-kii markii laga saaray SNM magaalada Hargeysa oo ay markaana dadku niyad jabsanaayeen inaad tidhi “Maqaaxida inanta C/laahoow aqoon la’aan baa kaa haysee, waa xaafad ka mid ah Hargeysa”. Marka laga yimaado inay niyad dadka ee markaasi kor u soo kicisay, haddana maanta oo aad Somaliland madaxweyne ka tahay Maqaaxida Inantu waa xaafad Hargeysa ka mid ah.

Sidoo kale, sannadkii 1996-1997-kii, markii shirkii beelaha Somaliland ee magaalada Hargeysa la qabanayay, waxa kale oo jirey shir kale oo barbar socday oo lagu qabanayay Tuuladda Beer ee duleedka bari ee magaalada Burco, halkaasi oo ay ergooyinkii iskugu yimid doonayeen inay madaxweyne kuugu caleemo saaraan, markaana waxa la weriyay in lagaa qorey “Aniga iyo Cigaal (Madaxweynihii hore ee Somaliland Ilaahay ha u naxariistee) Caydiid (Hogaamiye kooxeed reer Muqdisho ahaa Ilaahay ha unaxariistee) iyo Cali Mahdi (hogaamiye kooxeed kale oo reer Muqdisho ah) noqon mayno” halkaasina ergooyinkii Beerood ay ilaa Hargeysa u soo baqooleen oo ay ka qayb galeen shirweynihii beelaha ee Hargeysa.

Ugu dambayn sannadkii 2003-dii, markii tiradda yare e codadka ah lagaaga adkaaday doorashadda, mar lagu weydiiyay sababta lagaaga badiyay waxaad tidhi “Odayaal la dhaq-dhaqaajiyay ayaa la igaga badiyay”.

Inkasta oo aadan u hogaansamin natiijadda ugu horeyntii, haddana markii ay maxkamadda sare kordhisay tiradii sideetanka ahayd ee ay laashay sanduuqii Balan-Calanle, waxaa lagaa qorey, “Wadankaygu kursigayga u baabi’I maayo”.

Haddaba, Mudane Madaxweyne, waxaan la yaabanahay, adiga oo imika madaxweynihii Jamhuuriyadda Barakaysan ee Somaliland, isla markaana afartaa arrimood weligeed laga sheekayn doono, ma waxaanu aqbalnaa, isla hogaamiyihii wadankiisa iyo dadkiisa sidaasi u soo ilaalinayay ayaa dad daawo maamulkiisu diiday, iyada oo ay dadkii dhimanayaan?

Garashadaydu way qaadan la’dahay, haddii aad sharaxantahay maanta, waxaan odhan lahaa, odaygu waa da’oo tartanka ayuu xamili la’yahay oo sidii beryaha qaar maaha, laakiin adiga garashadaada, ninkaad is-tidhi “Wallaahi wadanka dabadaa wuu hogaamin karayaa” aad soo xushay, ololihiisana ku bilaabay “Maantana waxaan la kulmay xubnaha golaha dhexe kaga jira beesha heblaayo” ee aad arkaysay weliba. Waxba kuma jabnee calafkiisa ha qaado, codkana adigu ugu hor rid.

Balse dad daawo la siiyo lagaga adkaan maayee, kursigiisa oo la waayaana waxba maahee, laakiin dadka oo aynu wada jir u badbaadino ayaa qurux badan. Xirsi Gaab-na waxaanu leenahay, Saaxiib, dee bal daawadda dawladda u dhiib, waata sastay’e.

Suxufi Maxamed-Aamiin

Maxamed Aamiin

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayannews@gmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews