HAYAANNEWS.NET
Gocoshada Xasuusta Maalmihii SACAD MUUSE Iyo CAHDIGII Ballantii HABAR-JECLO iyo Halkay Maanta Taallo
June 2, 2017 - Written by Mustafe Jannaale

Saban waliba iyo dharaar waliba oo ka’mida tirsiga maalmaha aduunyadu waxa ay samaysaa, unugtaa ayna reebtaa taariikh iyo dhaxal nololeed amase raadraac sugan oo sumadeed, Marka ay sidaa tahay arin walba oo dhacdaa waxa ay leedahay raadraac sumadeed oo sugan marka laga eegayo dhanka siyaasada iyo xiliyadeeda kala duwan.

Xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka haatan talada haya oo ah xisbi lagu tiriyo inuu yahay xisbiga ugu taageerada badan wakhti xaadirkan la joogo, waa xisbi soo maray wakhti adag oo ay dhexdiisa ka dhaceen shaqaaqooyinka mararka qaar halis galiyey ama ruxay amniga guud ee wadanka ka dib markii sida laga war qabo uu xisbigu isku maan dhaafay cida u matali doonto doorashada soo socota ee kursiga madaxtooyada inakstoo xisbigu galay xalad lagu kala dareeri gaadhay markay beesha doonaysa xilka madaxwayne in loo doorto ay shaki badan ama cago jiid ay ka kala kulantay beeshii markii hore balantu ka dhaxaysay ee haatan xilka madax wayne haysa hadana waxaa walba ku maareeyen wada hadal aan ilaa haatan beesha musharaxa madaxwaynaha kulmiye ka soo jeedo aanay aamin sanah oo shaki badani ku jiro iyadoo waliba dadka qaar ay aamisan yihiin inay beesha hada xilka madaxwayne haysaa ay xisbi kale u dareeri doonto sida guuxa dad waynu sheegayo HADABA Wax kastoo dhexdooda ka dhacay aakhirkii xisbigu kulmiye waxay musharax u doorteen nin ka soo jeeda beelaha casimada daga mid kamida ah.

Haa sidani waa sidii ay saadaalinayeen dadka siyaasada orodorasaa, waanay dhacday iyadoo beesha lahayd aasaaska xisbiga kulmiye sameeyeen maskax furnaan oo cusub oo ah iney kulmiye ku soo saaraan oo waliba siday balantu ahayd musharax uga dhigaa beeshii balantu ka dhaxaysay iyadoo u muuqato inay buudhi madhan ka kireeyeen beeshii marki hore hiil iyo hooba la garab taagnayd Hadaba iyadoo haatan xifiltan aad u wayni ka dhaxeeyay labadaa beelood ee ku heshiiyay kulmiye waliba tuhuno badani ku jiro beeshii markii hore la soo qacan qabtay oo ay u muuqato in balanti ka baxayso miyanay beeshani taagnay halkay markii hore iyagu taagnaayeen mise dantaydii wan gadhay bay u muuqataa Waxay dadka reer Somaliland ku maahmaahaan, marka ay dhib iyo dheef-wadaaga lee yahiin dadku ay isku dardaarayaan inaanay cid kali ah uuni waxtarka iyo hawshu u gaar ahayn ee hadba dhan ama gacan quminteeda laga sugayo, maahmaahda tidhaahda ” JILAALBA AWR BAA DHAAMIYA”, oo loo jeedo marba ama xiliba waa ku nine (qof-e) adna wakhtigaagii waad gashay si uu ahaaba, ama waad sugaysaa ee ka soo bax xilka ku saaran.

HADABA Suaasha is waydiinta lihi waxay tahay Bowdo rag malinba mid baa qaawane beeshii markii hore sida sharfta leh ee hiil iyo hoo ba lala garab taagnaa ma kasoo bixi doontaa balantii iyo heshiiskii labada beelood TAARIIKHDU WAA MUDAN MARKHATI LEH

W/Q: BURAALE JAMA ESSA

Buraale

Hayaannews, Office

Email:Hayannews@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews